Tuesday, June 24, 2025

Jaha-wareer ka dhashay War-murtiyeed laga soo saaray Shirka Jabuuti & Wafdigii Somaliland oo kala hadlay

Jaha-wareer ayaa hareeyay shirkii Jabuuti ee maanta dhex maray madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaasoo uu guddoomiyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, goobjoogna uu ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.

War-murtiyeed ay faafiyeen IGAD iyo dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in Guddiyo farsamo ay sii wadi doonaan wadahadalka dowladda Somaliya iyo Somaliland, waxaana war-murtiyeedka ka muuqday ereyo ka hadlaya ‘LABADA DAL’, oo dad badan ay baraha bulshada su’aal ka keeneen.

War-murtiyeedkaas waxyaa lagu sheegay in lagu heshiiyay in la sameeyo guddi farsamo oo wada jir ah, kuwaas oo hawsha halkaa ka sii wadi doona isla markaana dib u eegi doona waxyaabaha horey loogu heshiiyay, in labada dhinac aanay siyaasadeyn kaalmooyinka horumarineed iyo maalgashiga iyo in dalka Jabuuti uu noqdo madasha kulammada dhanka farsamada ee lagu sii dhaqaajinayo wada-hadallada.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in war-murtiyeedka la faafiyey aanu sax ahayn, welina gacanta lagu hayo war-murtiyeedka, taasoo u muuqatay inay ka biyo diiday qoraalka, waxaana markii danbe la faafiyey war-murtiyeed cusub oo dib loo saxay inkastoo midkii hore uu suuqa galay, ayna si rasmi ah u faafisay Madaxtooyada Somaliland oo iyadu War-saxaafeedka hore aan bedelin.

Dhinaca kale xubnaha wafdiga Somaliland ayaa kala hadlay, waxayna qaarkood sheegeen in shirka lagu kala tegay, halka qaar kale ay caddeeyeen inuu weli socdo.

Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Gaal ayaasheegay in shirka uu ahaa mid uu Mareykanku watay oo la doonayey inuu dib u bilowdo wadahadalka, taasoo Somaliland ku xirtay shuruud ah in marka hore inta aanu wadahadalka bilaaban ay dowladda Soomaaliya fuliso heshiisyadii hore ee labada dhinac, wuxuuna intaas ku daray shirkii siyaasada uu sidaasi ku istaagay, wax socdana aanay jirin.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa dhinaciisa sheegay in shirku sii soconayo illaa maalinta Berri ah oo aan lagu kala tegin.

WAR-MURTIYEEDKII HORE

Image
Image

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON