Waxaa goor dhow shir uga furmay madaxtooyada Soomaaliya madaxda saddex maamul Goboleed, Madaxweynaha uu xilkiisii dhammaaday oo uu wehliyo Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya.
Shirkan ayaa waxaa ku biiray Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, iyadoo looga hadlayo xaaladda dalka iyo sidii loo gaari lahaa heshiiska fulinta Doorashada iyo dhammeystirka qodobadii Guddiga Farsamada ku gaareen magaalada Baydhaba.
Wararka ayaa sheegaya inay wakiilka Q/Midoobay James Swan uu gaarsiinayo Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug, K/Galbeed iyo Hirshabelele sidii xal loogu heli lahaa xaaladii ka dhalatay iska hor imaadyadii ka dhacay Muqdisho 19-ka Febraayo.
Waxaa shirka ka maqan madaxda maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo la sheegay inay shuruudo cusub la yimaadeen, una gudbiyeen beesha caalamka mowqifkooda ah sida looga gudbi karo xaaladda oo ah inay Beesha Caalamka damaanadqaad bixiso.
