Wednesday, July 2, 2025

Jen. Biixi: “Saadaq Joon Ciidanka Federaalka kama tirsana, balse waa shakhsi dagaalka ku jira…”

Kadib markii ay soo baxeen sawirro uu ka dhex muuqdo taliyihii booliska ee gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo laga soo qaaday aagga ee Gobolka Mudug oo ay ciidamada dowladda kula dagaallamayaan xooggaga Al-Shabaab, ayaa su’aalo badan dhaliyey.

Taliyaha ciidamada dhulka ee Soomaaliya Jeneraal Maxamad Tahliil Biixi, ayaa xaqiijiyay in Saadaq John uu ka mid yahay ciidanka hadda ka dagaallamaya aagga Bacaadweyn, wuxuuse sii raaciyey inuusan ka mid ahayn ciidamada dowladda.

“Saadaq John saraakiisha aan hoggaaminayo ayuu kamid yahay, saddex madax oo aan u qeybinay ayuu qeyb joogaa [hogaaminayaa], saraakiishaas ayuuna kamid yahay. Ciidanka Federaalka kama tirsano, balse waa shakhsi dagaalka ku jira.” ayuu yiri taliye Biixi oo la hadlay BBC-da.

Taliye Saaaq John oo tegay Galmudug ayaa xilka laga qaaday 12-kii bishii April ee sanadkan 2021, isagoo ahaa taliyaha booliska ee gobolka Banaadir, kadib markii uu sheegay inuu joojiyay kulan uu Golaha Shacabka ee Barlamaanka,. kana hor yimid muddo kororsiga Farmaajo.

Wareegto kasoo baxday Farmaajo ayaa kadib lagu sheegay in looga qaaday darajadii ciidamada iyo wixii xuquuq uu lahaa, taasoo sharci darro lagu tlmaamay.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraalkan ku sheegay kulanka ay goobta agaalka isku arkeen Jeneraal Saadaq Joon iyo Jen. Biixi. “La-dirirka argagixisada ayaa mideeyey markii ay dhacday in siyaasaddu kala geysay, haddii meel la isku diido macnaheedu ma ahan inaan meelo kale la isku waafiqi karin. Gen. Maxamed Biixi iyo Gen. Saadaq John oo ku ballamay ciribtirka argagixisada, waxaa maanta naga maqnaa Gen. Cabdi Qeybdiid oo hawlo shaqo ugu jiray aag dagaal oo kale”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON