Wednesday, June 25, 2025

Jen. Galaal oo ku dhintay Weerarkii Alshabaab ku qaaday Hotel Afrik iyo Wararkii ugu danbeeyay…

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Jeneraal caan ah uu ku dhintay weerarka Alshabaab ku qaaday hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Waxaa goor dhoweyd la xaqiijiyey in Jeneraal Maxamed Nuur Galaal uu ku dhintay Gudaha Hotelka Afrik oo dabley ka tirsan Alshabaab ay weerar qarax ku bilowday ku qaadeen, kadibna maleeshiyo gudaha u galeen, iyagoo muddo saacado ah ka dhex dagaalamayey.

Jen. Galaal ayaa ka mid ahaa saraakiishii sare ee dowladii Kacaanka oo ka qeyb qaatay dagaalkii 1977-kii ee dowladi Soomaaliya la gashay Itoobiya, wuxuuna ahaa saraakiisha ugu da’da weyn ee ka nool saraakiishii ciidamadii xoogga dalka.

Mas’uuliyiin iyo dad kala duwan ayaa tacsi u diray qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday Jen, Maxamed Nuur Galaal.

Wararkii uu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Amiga ay soo afjaraan werarkii Alshabaab ku galeen Hotelka Afrik ee u dhow Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON