Sunday, August 3, 2025

Jen. Saadaq Joon oo Qoraal ku weerarray Culimada iyo Sheekh Caan ah oo jawaab culus siiyay

Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka mida xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa jawaab culus oo lama filaan ah kala kulmay qoraal uu saaka ku weerarray culimada iyo kaalintooda dagaalka lagula jiro argagixisada.

Jeneraalka oo dhowaan darajadiisa loo soo celiyey, markii uu hore uga xayuubiyay madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraalkiisa ciwaan uga dhigay: Aaway Culummadii…?, wuxuuna sii raaciyey:

1. Ma hadli karaa?

2. Dhiig Ma shubi karaan?

3. Cunto Magayn karaan?

4. Dhawacyada Qur’aan kumasoo aqrin karaan?

5. Janaasooyinka Kuma tukan karaan?

6. Dhaawacyada Masoo booqankaraa?

7.Nadaafada kama qayb qaadankartaa?

Qoraalkaas kadib waxaa jawaab culus ugu soo jawaabay Sheekh muddooyinkii dambe ku caan baxay inuu codkiisa kula dagaalamo Alshabaab oo lagu magacaabo Suldaan Abdiqani Qorane, wuxuuna jawaabtan culus u diray Jeneraal Saadaq Joon:

“Xildhibaan Saadaq Joon, marka aad culumada u keentid ciidamo ka waardiyeeya Khawaarijta wuxuushta ah iyo gaadiid aysan xabbaddu karin (Pullet proof vehicles), xaafado amnigoodu sugan yahayna dejisid ama adigu aad ciidamada iska reebtid, gawaarida gaashaamanna ka degtid, xaafadaha shacabkana soo dhex degtid, dhiigna aad adogu bixisid marka hore ayey su’aashaas kuu furan tahay, Jawaabteeda oo ficil ahna aad heli kartaa. Intaas inta ka horreysa tooshka aad ifineysid adiga un buu ku qabanayaa.

Culumadu dagaalkan wey galeen, wey ku dhinteen, weyna u dakanoobeen, walina wey u taagan yihiin iyadoo cid aan Alle ahayn oo u maqan aysan jirin ee Brig. Jeneraalow culumada wax ula har adigana wax isula har”

Jawaabta culus waxaa mar kale ka jawaabay Saadaq Joon oo yiri: ” “Shiekh Suldan ixtiraam Umdda Soomaaliyeed kuu hayso oo kale ayaan kuu hayaa Waxaan lahaa kaligaa ayaad noqotee Garab u raadi. Aniga Waxaan qabanayana bilaa Sawir ayaan qabtaa. Baraarujin Culimmo ayay eheed ee Eedayn Ma ahayn”.

Xilligan ay taagan tahay saameynta ka dhalatay Qaraxyadii Soobe 2, waxaa Baraha bulshada ka socda is-eedeyn iyo dhibco badsi, iyadoo marba qolo weerar lagu qaadayo, loogana faa’iideysanayo xaaladda taagan, waxaase aad u yar, dadka ka hadlaya mas’uuliyadda Amniga cidda gabtay ee ay ahayd in lagula xisaabtamo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON