Sunday, July 13, 2025

Jen. Saadaq Joon oo taageero hor leh ka helay Ciidamo, xildhibaano iyo mas’uuliyiin Beesha…

Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq Cumar Xasan ayaa taageero hor leh ka helay mas’uuliyiin, saraakiil iyo ciidamo kasoo jeeda Beelaha Hawiye ee degaankeedu yahay caasimadda.

Xildhibaano wata ciidamo iyo mas’uuliyiin ayaa gaaray xaafadda Shiirkole ee uu saldhigga ka dhigtay Jen. Saadaq, waxayna u muujiyeen garab istaag iyo inay ku taageersan yihiin is difaaca uu kala horjeedo Maxamed Farmaajo iyo ciidamada taabacsan.

Xildhibaannada iyo Senatoorada tegay Shiirkole waxaa ka mida: Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, xildhibaan Xuseen Iidow, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow, Senator Yusuf Geelle Ugaas, saraakiil iyo xubno kale.

Jen. Saadaq Joon ayaa xalay taageero ka helay xildhibaannada Beeshiisa H/Gidir iyagoo xaafadda Shiirkole shir jaraa’id ku qabtay, halkaasina ku hoyday, waxaana saaka wadooyinka xaafadda lagu gooyey carro si looga hortago weerarro uga timaada ciidamada taabacsan Maxamed Farmaajo.

Waxaa xalay burburay heshiis Saadaq Joon dib loogu celiyey hoygiisii agagaarka garoonka Diyaaradaha Muqdisho, markii ciidamado badan la dul dhigay, isagoo si farsameyn uga baxay, diba ugu laabtay Shiirkole.

Waxaa lagu waday inuu maanta shir jaraa’id qabto Jen. Saadaq Joon, balse dib ayaa loo dhigay, iyadoo ay sii kordheyso taageerada uu beel ahaanta u helayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON