Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in jeneraal caan ah uu ka badbaaday weerar qarax ah oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo.
Qaraxa ayaa ka dhacay degaanka Garasbaalay ee duleedka Muqdisho, waxaana la sheegay in lala beegsaday Gaari uu la socday Jeneraal Aadan Abshir (Laba Afle) oo si dirqi ah uga badbaaday qaraxa oo ahaa miinada dhulka la geliyo.

Warrka ayaa sheegaya in askartii la socotay jeneraalka ay ku dhaawacmeen, halka gaariga uu la socday sarkaalka waxyeelo soo gaaray, waxaana la xaqiijiyay in Jeneraal Laba Afle uu ka badbaaday Qaraxa.
LA SOCO FAAHFAAHINTA