Thursday, June 26, 2025

Jeneraal ka tirsan ciidamada xoogga oo lagu dilay Qarixii Muqdisho [Waa kuma..?]

Wararka laga helayo saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in jeneraal ka tirsan ciidamada xoogga lagu dilay qarixii maanta ka dhacay Maqaayad ku taalla Waddada Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho.

Jeneraalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay  General Cabdi Bashiir Aadan, waxaana la sheegay inuu gaarsiisnaa sareeye guuto, isagoo ka mid ahaa saraakiisha ka howlgasha gobolka Hiiraan, horena u soo noqday taliyihii guurada 12 April ee ciidamada milateriga.

Ma cadd sida jeneraalka u dhintay iyo inuu ka mid ahaa dadkii baarka joogay ama uu goobta gaari ku marayay, balse saraakiisha dowladda ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan qaabka jeneraalku u dhintay.

7 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxa, halka 11 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana lala beegsaday maqaayadda Italian Caffe ee ka mida dhismaha Hotel Ramaas oo dhinaca ku haya xarunta socdaalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON