Monday, July 14, 2025

Jeneraal Odowaa oo Xilkii wareejiyay iyo Taliyaha cusub ee Xoogga oo shaqo bilaabay

Taliyaha cusub ee ciidamada Xoogga Dalka ayaa xilka la wareegay, iyadoo uu shaqadii ka tegay Taliyihii hore oo uu dhowaan xilka ka qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabad ka dhacday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga xilalkii loogu kala wareejiyay hogaanka cusub ee Ciidanka Xooga Dalka iyo hogaankii hore ee Ciidanka.

Wasiirka Gaashandhigga Xukuumada Soomaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa xilalka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Generaal Odawaa Yuusuf Raage.

Sidoo kale waxaa xilka wareejiyay Taliyihii hore ee ciidanka dhulka General Maxamed Tahliil Biixi, isagoo ku wareejiyay Taliyaha cusub General Axmed Aadan Cali.

Taliye Odowaa Yuusuf Raage ayaa ahaa sarkaalkii ugu da’ yaraa ee xilka Taliyaha Ciidamada Milateriga Soomaaliya loo magacaabo, wuxuuna muddo dheer soo hayey xilkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON