Taliyaha ciidamada AMISOM iyo saraakiil ka tirsan taliskaasi oo uu la socda abaanduuliyaha ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.
Socdaalka wafdiga Taliyaha AMISOM Cismaan Nuur Subagle iyo saraakiisha Soomaalida ayaa ujeedkiisu ahaa sidii xiisada siyaasadeed ee ka taagan Cadaado looga hortegi lahaa inay keento isku dhac iyo gacan ka hadal.
Isagoo ka hadlayay magaalada Cadaado ayuu shaaciyay taliyaha AMISOM inay wadahadal la yeesheen madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo saraaliisha ciidamada NISA iyo milateriga ee ku sugan Cadaado ayna isku waafaqeen dhammaan in ilaaliyaan nabadgelyada ayna ka fogaadaan arrimahaya siyaasadda, iyadoo ciidamada waajibaadkooda u gudan doonaan si dhexdhexaadnimo ah.
“Waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta inay ka baaqsadaan inay ciidamada iyo maleeshiyooyinka u adeegsadaan inay xalinta xaaladaha siyaasadda’ ayuu yiri Jen. Subagle oo dhinaca kale ugu baaqay siyaasiyiinta Galmudug inaan wax hub ah la isu adeegsan ee wadahadal lagu dhameystaan khilaafaadka dhexdooda yaalla.
Goobjooge.com