Jeneraalka hoggaamiya ciidamada fallaagada dalka Liibiya ee dagaalka kula jirta dowladda Q/Midoobay aqoonsan tahay ee dalkaasi Gen. Khalifa Haftar ayaa isaga tegay magaalada Moscow ee dalka Ruushka xilli la filayey inuu saxiixo heshiis xabbad joojin ah.
Jeneraalka ayaa la duulay magaalada Moscow saacado kadib markii dowladda fadhigeedu yahay magaalada Triboli ay saxiixday heshiiska xabbad joojinta oo ay kasoo shaqeeyeen dowladaha Ruushka iyo Turkiga oo labada dhinac kala taageera.
Wararka ayaa sheegaya in Gen. Haftar uu uga tegay shirkii ka socday magaalada Moscow inuu la-tashiyo la yeesho goihiisa ciidamada iyo dalalka taageera oo ay ka mid yihiin Masar, Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxaana laga soo xigtay inuusan heshiiska xabbad joojinta saxiixeynin inta laga kala dirayo maleeshiyada taageert dowladda dalkaasi.
Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa xaqiijisay in Gen. Khalifa Haftar uu ka tegay magaalada Moscow; halka afhayeenka xukuumadda Liibiya uu sheegay inay ciidamada Haftar dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan agagaarka magaalada Triboli, isagoo ka digay inay dagaaladii dib u curtaan.