Taliyihii hore ciidamada cirka ee Turkiga Jeneral Akin Ozturk oo xabsiga ku jira ayaa laga soo xigtay inuu qirtay inuu isagu ka danveeyay afgambigii dhicisoobay ee Jimcihii ka dhacay.
Wakaalada Wararka ee dowladda Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in Jeneral Akin Ozturk u sheegay baarayaasha inuu qorsheeyay inqilaabka milateri
Sawiro laga qaaday jeneraalka ee ay baahisay Wakaalada Anadolu ayuu muuqaalkiisu ahaa mid ay ka muuqdeen dhaawac madaxiisa iyo qaarka hore jirkiisa. inkastoo aan la ogeyn in jirdil lagu sameeyay iyo inkale.
Jeneraalkan ayaa horaantii inkiray inuu ku lug lahaa afgambiga la isku dayay isagoo sheegay inuu ka shaqeeyay inuu joojiyo. Wakaalada Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa warkan danbe shaacisay.
113 sarkaal oo isugu jeneraalo ayaa ka mida dadka kumanaanka ah ee lagu xiray dalka Turkiga oo ay ka socdaan howlgallo lagu baacsanayo dadkii ka danbeeyay Afgembiga.
Goobjooge.com