Wararka laga helayo magaalada Addis ababa ayaa sheegay in jeneraalkii ugu sareeyay Farsamada Hubka Ciidamada Itoobiya General Kinfe Dagnew xabsiga loo taxaabay.
Jeneraalkan oo ka mid ahaa kuwa ugu awoodda badan saraakiisha Itoobiya ayaa ahaa madaxii Shirkadda Farsamada Ciidamada Itoobiya ee METEC ayaa laga soo qabtay xuduudka dalka Suudaan, xilli uu doonayay inuu Itoobiya ka baxsado.
Ciidamada Itoobiya ayaa gacanta ku soo dhigay Jeneraalkan, waxaana isagoo katiinadeysan laga soo dejiyey magaalada Addisa ababa oo diyaarad milateri oo helikobtar ah lagu soo qaaday.
Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in jeneraaalkan iyo 62 kale oo ka tirsan ciidamada iyo sirdoonka loo heysto dembiyo musuq iyo takrifal awoodeed, maxkamadna lasoo taagi doono.