Friday, July 4, 2025

Jeneral Itoobiyaan ah oo la wareegay xilka Taliye xigeenka Ciidamada AMISOM ee Somaliya (Sawirro)

Jeneraal Itoobiyaan ah ayaa la wareegay xilka Taliye ku xigeenka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), xilkaas oo uu hore u hayey jeneraal u dhashay dalka Kenya.

AMISOM ayaa shaaciay in Maj. Gen. Gerbi Regassa Kebede uu kulan is-barasho iyo wada-shaqeyn ah la qaatay saraakiisha sare ee AMISOM, kadib markii uu xilka kala wareegay taliye ku xigeenkii hore Maj. Gen. George Owinow, isagoo qaabilsanaan doonaan Arrimaha Taageerada iyo Saadka.

Saraakiisha uu Jeneraalka Itoobiyaanka kula kulmay Muqdisho waxaa ka mida taliyeyaasha Ciidamada ka socda dalka Uganda oo uu horkacayey Taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya Brig Don Nabasa.

Maj Gen. Kebede ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM ku shaqeeyaan howsha loo igmaday, isagoo ballan qaaday inuu sida ugu haboon u gaarsiin doono saadka iyo taageerada ay u baahan yihiin xilliga fulinta qorshaha ‘Somalia Transition Plan’.

2021_01_15_DFC_Visits_Sector_One-8
Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON