Monday, June 23, 2025

Jibriil Ibrahim Cabdulla oo dhulka la gooyay Madaxweyne Xasan Sheekh [4 Bilyan ayaa soo gashay dowladda]

Madaxa Hay’ada Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wada-Tashiga ee CRD Jibriil Ibraahim Cabdulle, ahna musharax si hoose ugu taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa Shaaciyay  in labadii sano ee lasoo dhaafay Gacanta Dowladda Federaalka heshay  lacagtii ugu badneyd ee abid soo gasha Dowlad Soomaaliyeed tan iyo xornimadii 1960.

Jibriil Ibraahim Cabdulle oo  aan si rasmi ah weli u shaacin musharaxnimadiisa uu doonayo inuu kula tartamo Xasan Sheekh Maxamuud oo isku heyb hoose yihiin ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ee hadda xilligeedu sii dhamaanayo ay gacanteeda soo gashay lacag dhan 4.05 Bilyan oo Dollar.

Wuxuu dowladda ku eedeeyay inay sameysay dhaqaale curyaamin isagoo sheegay inaaan loo abuurin shacabka shaqooyin ay noloshooda ku deberaan.

“Shan kun oo shaqaale ka ahaa dekeda Muqdisho iyo toddobo boqol oo baabuur ayaa shaqadii laga joojiyay taasna waxaa ku waayay nolol dad ka badan afartan kun oo ruux.”ayuu yiri Jibriil.

Xasan-Jabril: Musharax culus oo ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh & halisMusharax madaxweyne Jibriil ibraahim cabdulle (Akhri Musharaxnimada Jibriil)

Mudane Jibriil ayaa ku tilmaamay afartii sano ee uu xilka hayay Xasan Sheekh  in ummada Soomaaliyeed ay u ahayd dib u dhac weyn, iyadoo ummadana ay rajo weyn ka qabtay in laga gudbo dhibaatadii ay soo mareen labaatankii sano ee ka horeeyay sanadkii 2012kii.

 “Shaqsiyaad aan ogahay markii ay xilka qabanayeen inaysan haysan dhaqaale ayaa hadda waxa ay ku xisaabtamayaan malaayiin dollar oo ah lacagtii ummadda ay lahayd.”ayuu yiri Jibriil oo ka hadlayay musuqmaasuq uu sheegay in uu ka jiro dalka gaar ahaan afartii sano ee la soo dhaafay.

Jibriil Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in xoriyada iyo calanka ummada Soomaaliyeed uu mugdi galay dalkana kalsooni darro ay ka jirto maamulka dalkana ay koox yar ku soo koobantay.

“Soomaaliya waxay joogtaa hadda meel ka liidata bishii September 2012-kii waayo qaranimadii iyo xoriyadii ummadda Soomaaliyeed,talada dalkana waxaa bixiya dad ajnabi ah madaxdii qarankana iyagaa maalin walba khilaaf ka dhex bixi la’” Ayuu yiri Jibriil Ibraahin Cabdulle.

Musharax ah Jibriil ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay mid ka mid warbaahinta Muqdishom isagoou muuqda mid soo dib dhacay oo ujeedkiisu yahay bilow musharxnimada jagada madaxweynaha oo sanadkan noqon doona tartan faraha looga gubto.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON