Saturday, June 28, 2025

Jid muddo Sanado ah u xirnaa Safaarado oo la bilaabay in Dhagxaanta iyo Shubka laga qaado

Jid muhiim ah oo muddo sanado ah u xirnaa safaarado kala duwan ayaa waxaa hadda socda howl adag oo dhagxaanta looga qaadayo.

Wadadda muhimka ah ee isku xirta Isgoysyada KM4 iyo Trebuunka ayaa waxaa xilligan ka socda qaadisa dhagxaan waaweyn oo fara badan, Carro, Birro iyo dhagxaan lagu xiray; kuwaasoo ay ku xirteen Safaaradaha Turkiga iyo Qatar oo isaga danbeeyay.

Jidka wuxuu sanadihii ugu danbeeyay u xirnaa safaaradda dowladda Qatar markii ay ka guurtay safaaradda Turkiga, iyadoo uu noqday mid laga go’ay oo culeys weyn ku haya isu socodka labada jid ee ugu mashquulka badnaa caasimadda, waxaana ku xirmay ganacsiyo fara badan.

Dib u furista jidkan waxaa isku dayey Duqii hore ee Muqdisho, laakiin waxaa ka hor yimid hay’adaha Amniga iyo madaxda dowladda, waxaase hadda muuqata in furistiisa lagu dari doono waxqabadka dowladda.

Dowldda uu hoggaamiyo Madaxweyne oo doorashada ku gashay furista wadooyinka ayaa sii xirtay wadooyinkii caasimadda. wxayna guud ahaan dhagaxyo ku jaray wadooyinkii xaafadaha taasoo keentay ciriiri iyo jaam aan hore loo arag oo heysta caasimadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON