Tuesday, July 1, 2025

Joe Biden oo Dembiile dagaal ku tilmaamay Madaxweynaha Ruushka iyo Jawaab kulul..

Dood kulul ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo dhiggiisa dalka Ruushka ku tilmamay inuu yahay denbiile dagaal.

Madaxweyne Biden ayaa kor u qaaday heerkulka dagaalka afka ah ee u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. “Waxaan u maleynayaa inuu Vladamir Putin yahay dambiile dagaal” ayuu yiri Biden, oo la hadlayay suxufiyiinta munaasabad ka dhacday Aqalka Cad.

Afhayeenka Dowladda Ruushka Dmitry Peskov ayaa si degdega uga jawaabay hadalka Biden, wuxuuna sheegay in hadalka Biden uu yahay “mid aan la aqbali karin oo aan la cafin karin.”

“Wuxuu ka hadlayay qalbigiisa oo wuxuu ka hadlayay waxaad ka daawateen talefishinnada, taas oo ah falal wuxuushnimo ah oo kaligii taliye naxariis daran uu ku soo duulay dal shisheeye.” ayey tiri Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Jen Psaki oo faahfaahisay hadalka Biden.

Aqalka Kremelin-ka Ruushka ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay in Mareykanka oo boqolaal kun oo qof ku dilay dalalka ugu badan ee dunida uu xilligan ka hadalyo degnbiyo dagaal.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa saxiixay taageero milateri oo dhan $800 milyan oo Ukraine lagu siinayo Hub iyo qalabka difaaca ah, oo ay kujiraan Gantaalaha lidka Taangiyada iyo Diyaaradaha dagaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON