Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay go’aan ciidamada Mareykanka dib loogu celinayo Soomaaliya.
700 askari oo Soomaaliya ku sugnaa ayaa waxa ka saaray madaxweynihii hore Donald Trump, waxaana Qorshaha Madaxweynaha Marekanka ka mida in la beegsado ku dhawaad 12 ka mid ah hogaamiyayaasha Al-Shabaab ee ku sugangudaha Soomaaliya.
Joe Biden ayaa saxiixay amar u boqolaal ka mida ciidamada Milateriga Mareykanka dib loogu celinayo Soomaaliya, sida u Wargeyska New York Times kasoo xigtay afar sarkaal oo arrintan la socda.
Waxaa kaloo tallaabadan dheeri ku ah codsiga Pentagon-ka oo ku saabsan in la beegsado ku dhawaad 12 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida.
Go’aanka Ciidamada Maretkanka dib loogu soo celinayo Soomaaliya waxa soo jeediyey Xoghayaha Difaaca Lloyd J. Austin horaantii bishan May, waxayna kusoo beegantay xilli shalay uun la doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xsan Sheekh Maxamuud.
Bayaan ay soo saartay afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Adrienne Watson ayaa ku qiratay tallaabadaas, iyadoo sheegtay in ay suuragelin doonto “dagaal wax ku ool ah oo ka dhan ah Al Shabaab.”
