Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa saxiixay wareegto uu muddo sanad ah ku kordhiyay cunaqabateynta dhaqaale ee Maryakanku ku soo rogay Somalia sanadkii 2012.
Cunaqateynta oo markii ugu horeysay uu soo saaray Madaxweyne Obama ayaa sabab looga dhigay xaaladda amni ee Somalia ka jirta darteed, argagxiisada iyo burcad badeednimada, waxaana reeban in hay’adaha Mareykanka ay xiriir dhaaqaale la yeeshaan Soomaaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya sanadkii 9aad sii wada cunaqabareynta dhaqaale oo soo socod maamulladi ee Barack Obama iyo Donald Trump.
Mareykanka ayaa Soomaaliya u arka meel ay uga imaaneyso xaalad khatar ku ah amnigiisa, waxaana amarka Madaxweyne ee tirsigiisu yahay 13536 sii socon doonaa sanad kale, si loola tacaalo Soomaaliya.
