Maamulka Jubbaland ayaa si kulul u beeniyay warka soo yeeray Siyaasiga Soomaalida Kenya ee Faarax Macallin oo sheegay in dowladda Kenya ay maamulka Jubaland siiso Bil kasta Lacag dhan $1.5 Milyan oo Doollarka oo ay mushaar u qaataan ciidamada Jubbaland.
Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdirashiid Jirre qalinle ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Guddoomiyii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin, iyagoo ku tilmaamay inay tahay dacaayad ka dhan ah maamulkooda.
Wasiirka Maaliyada Jubbaland C/rashiid Jirre Qalinle ayaa sheegay in hadalkaasi uu yahay mid been abuur ah, wuxuuna Faarah Macalin Dawaara ku eedeeyay inuu been ka faafiyo maamulkooda, isagoo ugu yeeray inuu yahay Nin Kenyaan ah oo looga bahan yahay inuu ka shaqeeyo danaha dalkiisa ee aanu ku mashquulin arrimaha gudaha Soomaaliya iyo maamul Goboleedka Jubbaland.