Wasaaradda Caafimaadka Somaaliya ayaa shaacisay tiro cusub oo cudurka Covid-19 laga helay 24-kii saac ee lasoo dhaafay, iyadoo Jubbaland laga xaqiijiyey tiradii ugu badneyd.
Warixinta Wasaaradda Caafimaadka ee maanta 20 May 2020, ayaa lagu sheegay in guud ahaa cudurka Coronavirus lag helay 71 qof.
Dadka cudurka laga helay 24-kii ee ugu danbeeyay waxay kala joogaan:
– Jubbaland: 46
– Benadir: 17
– Puntland: 6
– Somaliland: 2
Waxaa cudurka ka bogsooday 10 qof oo cusub, iyadoo ay u dhinteen 2 ruux, waxaana tirada guud ee dadka Cudurka uu soo ritay Soomaaliya ay gaartay 1,573 qof, halka Geeriyday ay mareyso 61 qof.
