Kaaliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Cali Wardheere (Cali Yare) ayaa weerar ku qaaday Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo hadal kulul ku weeraray mucaaradka ka horjeeda dowladda Soomaaliya.
Cali Yare oo ku caan baxay u ololeynta Madaxweyne Farmaajo oo kaaliye u yahay, ayaa farriin uu baraha bulshada soo dhigay ku sheegay in shirkii uu shalay khubdadda ka jeediyey Cali Maxamed Geedi aan lagu casuumin, balse uu uga faa’iideystay qorshe isaga u gaara oo uu beesha Koonfura Muqdisho ku colaadinayo ugana dhigayo dowlad-diid.
Farriinta Cali Yare beeshiisa ugu digay wuxuu ku yiri: “Waxaan usoo jeedinayaa dadweynaha waxka daga Xamar, gaar ahaan ku xoogan koonfurta Caasimadda, iney fahmaan shabadda ay Raisalwasaare Geedi iyo rag magacooda isticmaalaya ku doonayaan in lagu dhufto shabbad dowlad-diidnimo ah 30 sano kadib, taas badalkeedana anigu waxaan ku talin lahaa in aanay aqbalin, in xeyndaabka dowladnimada laga xigsado, oo ay muujiyaan in aanay dowladnimada diidaneyn, colaad rabin, dagaal diyaar u aheyn, rabaan in ay dowlada Soomaaliyeed la shaqeeyaan lana shaqeystaan..”
Waa sii hadlay Cali Yare wuxuuna ku dooday in farriimaha uu Cali Maxamed Geeddi uga faaiideystay inuu madashaasi ka dhex diro aanay is-waafaqsaneyn. Wuxuuna yiri: “Khudbadiisu waxba kama duwaneyn shirkii jaraaid ee uu warshada baastada ku qabtay dhamaadkii bishii April ee sanadkii 2007, maalintaas oo dagaal 9 maalmood socday Muqdisho looga saaray muqaawamadii dagaalka kula jirtay Taliskii Tikreega.
Wuuxuu Cali Yare ku calaacalay inuusan welwel ka qabin inay jirto cid hirgelin karta ama ku dhacda inta uu xeyndaabka (farmajo) isgu ku jirno, wuxuuse ka welwelsan yahay inay jiraan rag ay dhiig wadaag yihiin, oo iyagoo aan is ogeyn, ka shaqeynaya rumoowga riyada Raisalwasaare Geeddi, oo ah in shabbad dowlad-diidnimo ah lagu dhufto beelaha Xamar degan qaarkood.
Cali Geedi iyo Cali Yare ayaa u muuqda inay soo cusbooneysiinayaan dagaalkii beelaha Muqdisho ee 1991 laga soo gudbay, iyadoo dowlada Farmaajo wada taageeraya, waxaana farriinta Cali Maxamed Geedi oo shaqsiyaad iyo xisbiyo ku koobneyd, qaab beeleed u fasiray kaaliyaha Madaxweynaha Farmaajo ee Cali Yare.