Thursday, June 26, 2025

Kacdoon looga horjeedo Axmed Madoobe oo ka socda Gobolka Gedo [Saraakiil u digtay Madaxweynah Jubbaland]

Ciidamada xoogga dalka iyo dadweynaha Gobolka Gedo ayaa wadajir uga mamnuucay degaanadooda inuu yimaado madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ku wajahnaa degmooyin ka tirsan Gobolkaasi.

Sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee degmada Baardheere ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha magaaladasai aanu kasoo degi karin Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiinta  maamulka Jubbaland isagoo digniin u diray maamulkaasi.

Taliyaha Ururka 49aad, Guutada 10-aad ee Qeybta 43-aaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Faarax C/Nuur Turbac ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan in Baardheere uu yimaado  Axmed Madoobe iyo madaxa Maamulkiisa, isagoo ku eedeeyay in ujeedkoodu yahay sidii ay Dowladda Federaalka uga horkeeni lahaayeen dadka Gobolka Gedo.

“Ujeedada ay u socdaan xilligan waa qalqal gelinta Amniga,da iyo burburinta Ciidamada dhibowga ah ee ku xareysan degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere,mana aqbali karno 4 sanno waxii laga waayey in ay maanta yiraahdaan waanu idiin imaaneynaa..” ayuu yiri Taliye Faarax.

Banaanbaxyo looga soo horjeedo Axmed Madoobe iyo maamulkiia ayaa hareeyay degmooyinka Gobolka Gedo, iyadoo ay weli taagan tahay kacdoonka looga soo horjeedo safarka Axmed Madoobe ee Gobolka Gedo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON