Wednesday, June 25, 2025

Kalfadhiga Afraad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Berri Furmaya & Madaxweyne Farmaajo oo….

Kalfadhigii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa furmaya maalinta Berri ah ee Isniinta 10-ka September kadib fasax dheer oo xildhibaannadu galeen muddo 3 bilood ah.

Farriimo loo diray Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa loogu sheegay inay soo xaadiraan kulanka Berri oo ah furitaan oo qura, kasoo ka dhici doona xarunta Dugsiga Sare ee Booliska Jen. Kaahiye, waxaana furi doona madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Berri oo ah Isniin, Tr. 10/09/2018, waxaa qabsoomaya Kulanka furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal (Golaha Shacabka & Aqalka Sare), Saacadda: 09:00am Goobta: Akadeemiyada Booliska Jeneraal Kaahiye (Scuola Polizia)..” ayaa lagu yiri farriinta loo kala diray xildhibaannada.

Kalfadhiga 4-aad ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu meel xun marayo xiriirka dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, isla markaana uu Muqdisho ku soo laabtay madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo ka mida xildhibannada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON