Waxaa magaalada Muqdisho ka soda qabanqabada furitaanka kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Federalaka, labnadiisa aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.
Kulanka joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo uu guddoomiyey Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kaasoo looga hadlay xubnaha Guddiga Joogtada ah e Golaha Shacabka.
Waxa kulanka looga doody go’aaminta goobta lagu qabanayo furitaanka Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka JFS oo ku beegan 15-ka bishan ee Berrito, iyo anisixinta soo jeedinta Guddiga Joogtada ee buuxinta kuraasta ka bannaanaata Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
