Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale iyo Xoghayiha Xisbiga Sayid Cali Macalin ayaa xoriyadooda dib u helay, kadib markii ciidamada Nabadsugidda ay xireen muddo saacado ah.
Labadan siyaasi ayay ciidamadu ka taxaabeen Hotelka Makka Almukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in laba saacadood ku dhowaad ah ay hayeen ciidamada NISA.
Kamaal Guutaale ayaa xaqiijiyey inay xoriyadooda dib u helaan, waxaana la filayaa inay dhowaan shir jaraa’id qabtaan oo ay ku faahfaahinayaan sidii loo qabtay iyo wixii ay kala kulmeen cidamada NISA.
Wararka ayaa sheegaya in siyaasiyiintan oo ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo C/raxmaan C/shakuur su’aalo ay weydiiyeen ciiiamada NISA. Xildhibaanno iyo siyaasiyiin dhowr ah ayaa canbaareyay falkan, iyagoo sheegay in ciidamada NISA si khladan loogu adeegsanayo arrimaha siyaasadda.