Sunday, July 13, 2025

KASHIFAAD: Been abuur laga faafiyay Shir Madaxeedka IGAD ee Muqdisho [Magacyo & Sawirro]

Shir madaxeedka IGAD ee magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho ka furmo maalinta beri ah ee Talaadada 13-ka September, iyadoo magaaladu ku jirto diyaargarowgii ugu danbeeyay.

Waxaa soo baxay caawa qoraal lagu faafiyay  baraha bulshada, kasoo lagu sheegayo in shirkii madaxeedkii IGAD dib loo dhigay, qoraalkaas oo dad badan ay sii faafiyeen wuxuu asalkiisu ka yimid nin lagu magacaabo Cali Yare Cali.

HOOS KA AKHRI WARKA UU FAAFIYAY CALI YARE

cali-yare-igad

F.G. Qoraalka sare waxaa laga saaray Facebook saacad kadib markii la soo dhigay 

Qoraalka oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay xaqiijisay inuu been ahaa ayaan dib u baarnay shaqsiya uu ka yimid, qoraalka waxaa markii ugu horeysay lagu arkay barta uu Facebook ku leeyahay nin lagu magacaabo Cali Yare Cali, ninkan oo qurbe joog ah, horena ciidamada Nabadsugidda u xireen arrimo noocan oo kale ah lama oga ujeedkii uu ka lahaa. Waxaa kaloo dadka qoraalkaasi daqiiqado kadib isna bogiisa Twitter-ka ku faafiyay  Cumar Faaruuq Cusmaan oo hore u ahaa xoghayihii NUSOJ, weliba u dooda inuu xilkaasi hayo.

Cali Yare Waxaa dhacday inuu qoraalkaasi iyo warkiisii uu ka saaray bartiisa Facebook saacad kadib markii uu warkaasi faafiyay, isla markaana dad badan faallooyin ay ka bixiyeen, waxaana loo arkaa fal ka baxsan mucaaradnimada iyo siyaasadda.

CUMAR FAARUUQ OO FAAFIYAY QORAALKA BEEN ABUURKA AH

cumar-faaruuq-igad

https://twitter.com/OmarFarukOsman/status/775416563277127681

Wasaaradda arrimaha dibadda oo mas’uuliyiin ka tirsan aanu la xiriirnay ayaa xaqiijiyay inay been abuur yihiin wararka ay faafiyeen shaqsiyaadka aan kor ku sheegnay, waxaana ay jawaab ahaan Wasaaraddu u soo qortay bar hashtag ah oo wararka shirka IGAD ee Muqdisho lagala socdo.

SAWIRRADA QABANQAABADA SHIRKA

igad-xamar

igad-mogadishuigad-mogadishu2igad-mogadishu3igad-mogadishu4
Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON