Qaar ka mida warbaahinta Puntland ayaa faafiyay qoraal been abuur ah oo lagu sheegayo in Qaramada Midoobay ay diiday ama joojisay doorashadii Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) loogu doortay Aqalka Sare.
Qoraal la been abuuray oo aad u tayo liita ayay faafiyeen warbaahintaasi oo website-yo kale ay sii faafiyeen, waxaana marka aad eegto warqada la been abuuray ka muuqda inaysan xitaa ahayn mid farsamo fiican leh.
Arrimaha noocan ah ayaa ku soo noqnoqday warbaahinta Soomaalida ee wax iskuma falayaasha ah oo caado ka dhigtay inay been abuuraan warar aan jirin oo mararka qaarkood aan macquul ahayn.
Warar xogogaal ayaa sheegaya in warka arrintan ku saabsan ku soo bixi doono war-saxaafadeedkii caadiga ahaa ee Un-ka laguna faafin dooni Boggooda rasmig ah.
HOOS KA FIIRI BEEN ABUURKA
Goobjooge.com