Friday, June 27, 2025

KASHIFAAD: Amar si lama filaan ah uga soo baxay Madaxweyne Farmaajo oo laga noqday

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Farmaajo ayaa ka noqday amar si lama filaan uga soo baxay oo ku saabsan Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Barta twitter-ka ee madaxweynaha ayaa gelinkii danbe ee shalay lagu qoray  amar hay’addaha dowladda oo dhan faraya inay hoos tagaan kana amar qaataan Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Qoraalka madaxweyne Farmaajo aya macnihiisu ahaa inuu amrayo hay’adaha dowladda oo dhan inay ka amar qaataan si toos ahna ula shaqeeyaa Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

Amarkan oo muddo saacado ah ku jiray barta madaxweynaha ayaa sida muuqata laga noqday, kadibna laga saaray bartaasi, iyadoo arrintan ay sharci ahaan ahayn mid khaldan oo la-taliyeyaasha madaxweynaha ay dareemeen.

Ra’iisal wasaaraha ayaanay hoos tegi karin, kana amar qaadan karin hay’adaha dowladda oo dhan, waxaana ka mid hay’ado awoodda fulinta ee xukuumadda barbar socda sida cadaaladda iyo kuwo ka weyn sida Aqalada Baarlamaanka iyo Hay’ado fara badan oo ka madax bannaan xukuumadda.

Waxa kaloo xusid mudan in Ra’iisal wasaaraha aanu weli dhisin xukuumadiisii, waxayna ahayd mid ka mida fudeydka madaxweynaha oo dib laga saxay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON