Thursday, June 26, 2025

KASHIFAAD: Beelaha Abgaal oo isku heysta Qoondada Haweenka ee Aqalka hoose & Dacwad ka taagan

Waxaa isa soo taraya muranka ka taagan qoondada haweenka ee aqalka hoose kadib markii beelo badan ay diideen inay meel dhigaan kuraasta haweenka.

Beelaga Abgaal ayaa ka mida kuwa ku dhiban qoondada haweenka, waxaana la isku mari la’ yahay jufooyinka laga rabo inay kuraastooda u sharxaan haween.

bakiin-minaBeesha Waceysle: Waxay saddex xildhibaan ku leedahay aqalka hoose, waxaana laga doonayaa in midkood ay noqoto haween ama ay ku tartamaan haween qura, iyadoo aanay jirin beel diyaar u ah arrintan. Arrintan ayaa dacwad ka dhex oogan tahay iyadoo ay soo farageliyeen suldaanada beesha.

Beesha Wacbuudhan: Beeshan ayaa ka duwan beelaha kale, waxaana muuqata in kursi ka mida saddexda kursi ay hadda u sharxan yihiin saddex haween ah iyo xildhibaan hore, taasoo ka dhigeysa in ugu danbeyn ay isugu soo haraan haween.

Beesha Harti-Abgaal: Beeshan ayaa iyaduna aan diyaar u ahayn in saddexda xubnood ee ay ku leedahay xildhibaanada aqalka hoose ay midkood u qoondeyso haween. Xildhibaanada ka sharxan beeshan ayaa u badan xildhibaano hore iyo dad magac leh, mana jirto boos u bannaan haweenka.

Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada iyo odayasha dhaqanka ayaa dhibaato ka mudan doona sidii qoondada haweenka loo marsiin lahaa beeshan oo beelaha kale ee Soomaalida la wadaagta diidmada haweenka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON