Mas’uulka ka danbeeya xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo iyo dagaalada ku soo noqnoqday ayaa la ogaaday.
Dagaal oogaha cusub ee ka soo dhex baxay mas’uuliyiinta Puntland ayaa la sheegay inuu yahay wasiirka howlaha Guud ee Puntland C/rashiid Maxamed Xersi.

Wasiirkan oo awood badan ku leh xukuumadda C/weli Gaas ayaa la sheegay inuu ahaa mas’uulkii ka danbeeyay in Gaadiidka ka yimaada Koonfurta Somalia badecada ay sidaan ku dejiyaan magaalada Galkacayo ayaa haddana wada dhismaha suuq la sheegay in xoolaha lagu iibinayo laga furo xaafada Garsoor oo dagaalka ugu danbeeyay uu ka dhashay.
Wasiir C/rashiid Maxamed Xersi ayaa ujeedkiisu yahan dano dhaqaale, isagoo ku doodaya in dhaqaale iyo fursado shaqo uu abuurayo, balse tallaabooyinkiisa ayaa keenay dhiig badan oo ku daata Gaalkacyo iyo xasilooni darro.
Sida ay faafisay shabakadda Garoweonline Wasiirkani wuxuu hore hormuud uga ahaa dagaalkii hore ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana uu garab ka heystaa madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiim Camey.
Qasaaraha naf iyo maalba leh, barakaca iyo colaadda ka taagan waxaa mas’uuliyadeeda yeeshay wasiir isu bedelay dagaal ooge oo dhaqaale ku raadinaya dhiigga dad wallaalo ah C/rashiid Maxamed Xersi.
Goobjooge.com