Wednesday, June 25, 2025

KASHIFAAD: Dowladda Qatar oo Gaadiid 10 Sano jir Duug ah ugu deeqday Booliska Soomaaliya

Dowladda Qatar ayaa shalay soo gaarsiisay xukuumadda Soomaaliya deeq gaadiid gaaraya 30 Baabuur oo nooca Landcruizer ah oo lagu wareejiyay wasaaradda amniga iyadoo loogu talogalay ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Deeqdan oo dad badan u qaateen inay ahayd gaadiid cusub ayay Goobjooge.net ogaatay inay ahaayeen Gaadiid duug ah oo xaraash ahaan lagu soo iibiyey, waxana baabuurtaasi soo baxeen sanadkii 2008.

Arrintan ayaa la yaab ku riday mas’uuliyiinta Booliska oo u bartay gaadiid cusub oo sanadkii ugu danbeeyay lasoo saaray, sida dalka Japan iyo hay’adda UNDP ay Booliska ku taageeran Booliska.

Dowladda Qatar oo ka mida kuwa ugu qanisan Khaliijka, isla markaana mashaariic ka fulineysa Soomaaliya ayaa la filayay in deeqda ka timid ay noqoto mid dhaanta, gaadiidka ay shalay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya, laakiin waxaa muuqata in dowladdu aanay doorasho lahayn mar haddii ay deeq loo keeno.

Dowladda Masar ayay ahayd dowladii ku dhiiratay inay milateriga Soomaaliya gaadiid ahaan ugu keento gawaari duug ah oo waqtigooda la dhaafay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON