Monday, July 14, 2025

KASHIFAAD: Dowladda Soomaaliya oo Ciidamadii Kumaandoska u dirtay galbinta Raashin mucaawino ah

Wararka laga helay madax ka tirsan Puntland ayaa khashifay sababta ciidamada Kumaandooska Soomaaliya markii ugu horeysay loo geeyay meel ka baxsan halkii lagu tababaray oo ah Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada DANAB ee loo duuliyay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, horena loo sheegay inay howlgal u tageen gobollada dhexe ayaa la xaqiijiyay in ujeedkoodu yahay inay soo galbiyaan Deeq mucaawino ah oo dowladda Turkiga Soomaaliya siisay, taasoo qeybta Galmudug iyo gobolka Hiiraan laga dejiyay Dekadda Magaalada Boosaaso.

Gaadiidka fara badan oo gaaraya 40 kuwa xamuulka ah oo raashinkaasi ku raran yahay ayaa maanta ka baxay magaalada Boosaaso, isagoo soo maraya degaanada Puntland jidka u dhaxeeya  Boosaaso ilaa Gaalkacyo, waana masaafo ka badan 700 KM.

Dowladda Soomaaliya ayaa weji gabax ay ku noqon doontaa in raashin mucaawino ah ay ku bixiso qiime intaas la eg oo ciidamo loo raro, safar dheerna loo galo, iyadoo la awoodi waayay in Gobolka Hiiraan raashinkaasi la geeyo iyadoo la marayo jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Beledweyne.

DAAWO RAASHINKA BOOSAASO KA SOO BAXAY

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON