Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka ayaa shirqool sharciyeed u diyaariyey xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo dhowaan faraha la halay kiis xasaasi ah ah oo ku saabsan Qarandumis.
Guddiga Baarlamaanka ayaa waxaa hareeyay cabasho iyo welwel uga yimid xildhibaanno ka badan 100 oo ka cabsi qaba inay saameyn ku yeelato codsiga xasaanad ka qaadista labada xildhibaan ee uu dalbaday xeer ilaaliyaha.
Qoraal hordhac ah oo kasoo baxay Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan (Jawaari) ayaa lagu soo bandhigay xadgudubka sharciyeed uu galay Xeer ilaaliyaha, waxayna arrintan bilow u tahay qorshe lagu doonayo in xilka looga qaado.
Xogta ay heshay Goobjooge.net ayaa sheegeysa in Guddiga Baarlamaanka ay madaxweynaha ka dalban doonaan inuu xilka ka qaado Xeer ilaaliyaha guud, iyadoo aan loo baahan fadhiga Baarlamaanka, waxaana lag heystaa arrimo ay ka mid yihiin:
1- Ku-takri fal awoodeed
2- Magac-dil iyo xadgudub xildhibaanno aan dembi lagu heynin
3- Baal maris sharciyada loo maro qaabka xasaanad ka qaadista xildhibaannada
Arrimahan oo dhan ayaa imaanaya kadib markii xeer ilaaliyaha uu dalbaday in xasaanada laga qaado xildhibaannada kala ah: Xasan Macalim Maxamuud iyo C/saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan xildhibaannada, kuwaasoo uu xeer ilaaliyaha ku soo eedeeyay qarandumis iyo inay dowlado shisheeye u adeegaayeen.
Xilka Xeer ilaaliyaha ayaa hadda u muuqda mid halis ku jira, iyadoo dacwadii C/raxmaan C/shakuur ay maxkamadda G/Banaadir sii deysay oo jug sharciyeed oo kale kasoo wajahday.
Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa sharci iyo sharci darro kasoo horjeeda in xilalkooda ay halis galaan ama dembiyo lagu soo oogo, isagoo Baarlamaanka Soomaaliya uu taariikhda ku galay inuu diiday go’aankii maxkamadda sare.