Monday, July 14, 2025

KASHIFAAD” Guddoonka Baarlamaanka oo la yaaban hab-dhaqan uu lasoo baxay Madaxweyne Farmaajo

Xiriirka madaxweynaha iyo guddoonka Baarlamaanka dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ku bilowday qaab qabow iyo kala gaabsasho.

Sida ay xogta ku heshay Goobjooge.com Guddoonka Golaha Shacabka ayaa la yaabay hab-dhaqan ay ku arkeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay kala kulmeen arrimo aysan hore u arag.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo labadiisa ku xigeen ayaa ku qoonsaday madaxweyne Farmaajo inuusan wax la-tashi ah kala sameyn magacaabidda Ra’iisal wasaaraha, arrintaas oo siiba guddoomiye ku xigeenada u heysteen inay laga tixgelin doono maadaama ay taageersanayeen Farmaajo.

Arrinta labaad ee sida weyn ay ula yaabeen ayaa ahayd xafladii lagu magacaabay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo si degdeg ku dhacday, isla markaana guddoomiye Jawaari si aan la fileyn looga toosiyay waqti hore aroor hore ah isago aan diyaarahayna loogana yeeray madaxtooyada, halkaasina madaxweyne Farmaajo ugu sheegay inuu magacaabay Ra’iisal wasaare, si degdeg ahna u dhoofayo.

Guddoonka Baarlamaanka oo ixtiraam darro iyo degdeg ka dareemay madaxweyne Farmaajo iyo ninka uu u magacaabay Ra’iisal wasaaraha oo isna shaqo bilaabay isagoo aan kalsooni la siin ayaa ka gaabsaday oo Baarlamaanka ku sugaya Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha uu magacaabay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON