Dowlada Imaaraadka Carabta oo galaangal weyn ku lahayd doorashada Soomaaliya ayaa xilligii ugu danbeeyay lacagtii ay ugu talogashay doorashada u wareejiyay musharax aan la fileyn.
Xogta Goobjooge.com ay heshay ayaa sheegeysa in dowladda Imaaraadka ay go’aan ku gaartay inaysan taageerin Shariif Sheekh Axmed oo hore loo filayay inay dhaqaale ku taageerto isla markaana ay u wareegtay Musharax Xasan Sheekh Maxamud.
Imaaraadka ayaa la sheegay inuu lacago siiyay labada musharax ee Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid, waxaana lacagta doorashada si rasmi ah loogu wareejiyay Xasan Sheekh, halka Cumar C/rashiid la siiyay lacag aad uga yar tan la siiyay Xasan Sheekh oo loogu talogalay inuu adeegsado ama tanaasulo, taasoo ahayd kan dhaqaale.
Arrintan ayaa timid kadib markii ay Imaaraadka ku qanciyeen hogaamiyeyaal ay ka mid yihiin Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed inaysan socon karin musharaxnimada Cumar C/rashiid oo rajadiisu ay liidato.
Goobjooge.com