Monday, June 23, 2025

KASHIFAAD: Imisa Bilood ayuu Mushaarku ka maqan yahay shaqaalaha Dowladda Soomaaliya..?

Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ay siiso mushaarka ayaa muddo dheer ka maqan yahay mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Xog ururin ay sameysay mareegtada Goobjooge.com ayaa ogaatay in muddo 6 bilood ah aanay wax mushaar ah qaadan shaqaalaha dowladda Federaalka xilli lagu jiro kala guur, isla markaana Wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya iyo  madaxda sare ee waqtigooda dhammaaday ku doodayaan in nidaamka Maaliyadda dowladda si weyn u shaqeynayo oo dib u habeyn lagu sameeyay.

mushaar-bixinWaxaa xusid mudan in laba bilood oo ka mida sanadkii hore ee 2015 ay weli ka maqan tahay shaqaalaha dowladda, arrintaas lagu macneeyay mid ujeedkeedu yahay isu dhiib waqti lumis ah oo dhexda laga bixiyo ugu danbeynta.

Ad

Laga soo bilaabo bishii July ilaa Oktoobar oo hadda dhamaad ah, ma jirto wax mushaar ah oo la siiyay shaqaalaha dowladda Soomaaliya, waxaana qormooyin soo socda ku ifin doonnaa halka lacagta dowladda ka baxday iyo sababta loo bixin waayay mushaarka shaqaalaha.

Xilliga ay xaaladaas adag ku jiraan shaqaalaha dowladda waxaan arkeynaa in xariga laga jarayo dib u dhis lagu sameeyay wasaaraddii Maaliyadda, waxaase is weydiin leh, halka qasku ka jiro iyo dhibaatada ka taagan maamulka maaliyadda dowladda Soomaaliya.

Shaqaale badan ayaa aamisan in lacagtooda loo adeegsanayo doorashada 2016, iyadoo hore ay u dhacday in lacag loo qoondeeyay xildhibaanadii Baarlamaanka KMG ahaa uu la baxay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

- Advertisement -

LA SOCO QORMOOYINKA SOO SOCDA INSHA ALLAAH

Goobjoocom

XOG CUSUB: Yaa qaatay Lacagtii xildhibaanadii hore ee Baarlamaankii KMG? (Dokument sir ah)

http://goobjooge.com/xog-cusub-yaa-qaatay-lacagtii-xildhibaanadii-hore-ee-baarlamaankii-kmg-dokument-sir-ah/

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON