Tuesday, June 24, 2025

KASHIFAAD: Madasha Qaran oo ka daba tagtay Mooshin sharafta looga qaadi lahaa

Madasha Qaran ee madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada ayaa ku dhex dhacday shirqool siyaasadeed oo uu dhaliyay go’aankii ugu danbeeyay.

Kordhinta tirada Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo Madashu qaadatay ayaa noqotay qodob halis weyn ku keenay Madasha, kaasoo si toos uga hor imaanayay qodob ka mida Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka faa’iideystay arrintan iyadoo soo saaray War-saxaafadeed ay ku diideen tallaabada Madasha, isla markaana si cad u sheegay inay madashu jebisay Dastuurka, waxyana talo ahaan u soo jeediyeen in kordhinta tirada Aqalka Sare ay keliya sameyn karaan Baarlamaanka cusub.

AKHRI: Beesha Caalamka oo si cad uga hor timid kordhinta xubnaha Aqalka Sare & Go’aanadii Madasha [War-saxaafadeed kulul]

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka cusub ee 27-kii Bishan la dhaariyay ayaa degdeg u bilaabay mooshin ay ku doonayaan in lagu laalo Go’aanka Madasha Qaran ku kordhiyeen tirada Aqalka sare, wuxuuna mooshinkaasi noqday mid taageero badan helay oo lagu waday in maalmaha soo socda noqdo howsha ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub.

Madasha oo qoraaladeeda ay is daba joog noqdeen qaarkoodna is burrinayaan ayaa haddana ka daba tagtay go’aankeedii hore kadib markii uu laba maalmood jiray, waxayna arrinta kordhinta xubnaha Aqalka Sare dib ugu dhigtay kadib Doorashada Madaxweynaha.

Arrimahan oo dhan waxay caddeyn u yihiin Madasha Qaran ay ku jirto xaaladii ugu danbeysay oo ay sii weyneyso sharciyadii markii horeba qasabka ahayd ee ay kala wareegtay Baarlamaankii waqtigiisu dhammaaday, waxayna hadda ka badbaaday inuu waqtigeeda ku dhammaado mooshin sharafta looga qaadi lahaa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON