Friday, June 27, 2025

KASHIFAAD: Madaxweyne Farmaajo miyaa ka danbeeyay is-casilaadii Wasiir ku xigeenka C/kariin Dhalac? -Akhriso-

Waxaa xalay si lama filaan ah is-casilaadiisa ugu dhawaaqay wasiir ku xigeenkii Xanaannada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa C/kariin Khaliif Cabdi Dhalac, isagoo sheegay inuu isu casilay faragelinta ay dowladda Somalia ku heyso maamul u sameynta Galmudug darteed.

Mreegta Goobjooge.net ayaa ogaatay in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka danbeeyay is-casilaadda Wasiir ku xigeenkan, kadib markii uu kulan dhex maray siyaasiyiinta Beesha Sacad H/Gidir iyo madaxweyne Farmaajo, kaasoo madaxweynaha uu si toos ah u farageliyey xilka madaxweynaha Galmudug, isagoo u ololeynaya musharax kasoo jeeda beel kale oo madaxda dowladda Federaalka ay wadato.

Madaxweyne Farmaajo ayaa siyisiyinta Beeshan oo uu ka mid ahaa C/kariim Dhalac usoo jeediyey inay isaga haraan tartanka Madaxweynaha, isla markaana jagooyin kale loo raadin doono, taasoo uu ka carooday Wasiir ku xigeenka oo hore u tirsaneyay in madaxda dowladda ay u gacan dhaafeen beeshiisa wax talo ahna aan laga weydiin arrimaha Galmudug.

Loolanka xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa xowli ku socda, wuxuuna Madaxweyne Farmajo ka noqday taageeradii uu la garab istaagay musharax Cabdi Dheere, kadib markii kooxdiisa ay ku qancisay inuu taageero musharax kale ee Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON