Warar fara badan oo is khilaafsan ayaa kasoo baxay is-casilaadda Taliyaha ciidamada Xoogga dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo shalay looga dhawaaqay shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.
Dabagal ay ku sameysay shabakadda Goobjooge ayaa lagu ogaaday Taliyaha ciidamada Milateriga Jen. Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid) ay isku dhaceen Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay suuragal noqon weysay inay wada shaqeeyeen.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Jeneraal Cirfiid iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ay isku qabteen arrimo ku saabsan dib u habeynta ciidamada iyo iyo maareynta dhaqaalaha ku baxa ciidamada milateriga Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan inaan la ogeyn tirada saxda ah ee ciidamada milateriga oo lagu sheego inay gaarayaan 30-kun askari, waxaana suuragal noqon weyday in la helo tiro sax ah oo mushaar la siiyo markii ay soo baxeen ciidamo been abuur ah oo fara badan, waxaana loo saaray guddi soo xaqiijiya ciidamada milateriga.
Wasiirka Gaashaandhigga ee is casilay iyo Taliye Cirfiid ayaa in muddo ah isku heystay maamulka dhaqaalaha ciidamada ee saadka iyo mushaarka, taasoo qeyb ka ahayd is mari waa’ keenay in Taliyaha ciidamada xoogga dalka uu culeys ka soo wajaho Ra’iisal wasaare Kheyre oo marar badan farageliyay arrimaha ciidamada si loo hubiyo halka ay ku socdaan deeqaha, saadka iyo mushaarka ciidamada la siiyo.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isku dayay inuu qanciyo Taliyaha is casilay, isagoo ka diiday inuu aqbalo is-casilaadiisa, laakiin Gen. Cirfiid ayaa ku adkeystay istiqaaladiisa oo markii dambe uu ku qasbanaaday madaxweyne Farmaajo, waxaana arrinta la wareegay Ra’iisal wasaare Kheyre oo soo xulay Taliyaha cusub.
HOOS KA AKHRISO QORAAL GOOBJOOGE HORE UGA SAMEYSAY KHILAAFKA WASIIRKA IYO TALIYAHA
XOG: Khilaaf ka dhex taagan Wasiirka Gaashaandhigga & Taliyaha Ciidamada Milateriga