Tuesday, June 24, 2025

KASHIFAAD: Maxaa keenay in Ra’iisal Wasaare Kheyre u ololeeyo xil ka qaadista Guddoomiyaha G/Banaadir..?

Waxaa soo shaac baxaya in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya uu ka dambeeyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Madaxtooyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa la ogaaday inuu ku riixayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu xilka ka qaado guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka mida ahaa raggii ka danbeeyay in xilka Ra’iisal wasaaraha loo magacaabo.

Ololaha siyaasadeed ee Ra’iisal wasaare Kheyre ku hayo Guddoomiye Taabit ayaa soo taxnaad muddo dheer, inkastoo uu dhowr jeer inkiray Ra’iisal wasaaraha ayaa haddana waxaa si weyn looga dareemay xafiiskiisa iyo xubnaha ku dhow beel ahaan.

Sababaha keenay in Ra’iisal wasaare Kheyre doonayo xil ka qaadista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo caddeymaha la hayo waxaa ka mida:

1- Ra’iisal Wasaare Kheyre oo hor istaagay qoondadii kordhinta Miisaaniyadda G/banaadir ee Golaha Wasiirada ansixiyey (10%), isagoo arrintaas u xilsaaray wasaaradda Maaliyadda.

2- Kheyre wakiilkiisa u jooga madaxtooyada xildhibaan Xuseen Iidow u isticmaalay inuu madaxweynaha ka dhaadhiciyo halis la sheegay inuu Guddoomiye Taabit ku yahay taliskiisa iyo abaabulka maqaamka Muqdisho.

3- Ra’iisal wasaaraha oo si weyn uga carooday go’aankii uu Guddoomiye Taabit ka qaatay dhacdadii lagu weeraray Guriga C/raxmaan C/shakuur.

4- Kheyre oo cabsi ka qaba in kororka shacbiyadda Guddoomiye Taabit ay halis ku keento xilkiisa, dantiisuna ku jirto in la iska hor keeno Madaxtooyada iyo Guddoomiyaha G/Banaadir.

5 -Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa muddooyinkii danbe joojiyey xiriirkii Guddoomiyaha Gobolka iyo ka qeybgalkii xafladaha Maamulka Gobolka Banaadir oo har iyo habeen uu taagnaan jiray.

Arrimahan oo dhan waxay tooshka ku iftiimiyeen iyo Ra’iisal wasaare Kheyre uu fure u yahay qalalaasaha siyaasadeed iyo xiisadaha loo abuuray madaxweyne Farmaajo ee ay ka ay ugu muhiimsanaayeen dhiibistii Qalbi dhagax iyo Weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON