Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mida xildhibaanada ugu afka dheer ee dib loo soo doortay ayaa ka baxay kulankii maanta ee codka loogu qaadayay xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre.
Xildhibaan Jeesow oo si weyn uga horjeeday xukuumadda cusub ayaa soo jeediyay in dib loo dhigo cod u qaadista xukuumadda isagoo sheegay inay sharci darro tahay iyadoo aan la iska aqrin barnaamijka xukuumadda in cod loo qaado.
Jeesow ayaa saaxiibadii uu duwanaa inuu fariisan waayay, isla markaana uu marar badan soo istaagay isagoo laga celiyay fadhiga guddoonka, taasoo markii danbe keenay inuu ka baxo fadhiga Baarlamaanka intii aanay codeyntu dhicin.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla ayaa akhriyay qodobka taageeraya xildhibaano keenay mooshin ah in loo codeeyo xukuumadda, taasoo meesha ka saaray doodii ay doonayeen xildhibaanada diidan xukuumadda inay dib ugu dhigaan codeynta.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa la sheegay inuusan saameyn ku lahayn xukuumadda cusub sidii hore loogu bartay oo wasiirka beeshiisa uu isagu keensan jiray, waana taas sababta keentay inuu xaaladan ka qabsato xukuumadda cusub.
GOOBJOOGE.COM