Tuesday, June 24, 2025

KASHIFAAD: Maxaad ka taqaan Hanti-dhowraha cusub, Yaase ka danbeeya Magacaabiddiisa..? [Akhriso]

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda ee Hanti Dhowrka Guud ee cusub.

Mas’uulka lasoo jeediyay in xilkan loo magacaabo ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cali Afgooye, waxaana la sheegay inuu bedeliu doono hanti dhowrkii hore Nuur Faarax Jimcaale ee xil ka qaadistiisa muranka ka taagnaa .

Taariikh nololeedka Hanti dhowraha cusub ee Golaha Wasiirada ay ansixiyeen hoos ka akhriso-

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa ah 43 sano jir ku dhashay Gobolka Shabeellaha Hoose. Waxaa la sheegay inuu yahay aqoonyahan qurbe joog ah oo Mareykanka ku noolaa sida hanti dhowrihii ka horeeyay.

Wuxuu leeyahay khibrad maamul iyo ganacsiba, isagoo ka soo shaqeeyey maamulka xisaabaadka, hantida, iyo qandaraasyada, isagoo kasoo shaqeeyay dowladda hoose magaalada Washington, D.C. ee dalka Mareykanka, wuxuuna heystaa shahaadda Master-ka ee maamulka Ganacsiga Jaamacadda Maryland University College.

Wuxuu ilaa iminka aasaase iyo madax ka ahaa hay’adda Somalia Forward Foundation (SFF) oo hay’ad ka dhisan Mareykanka oo aan shaqo badan qaban, waxqabadkeeduna ku koobnaa qabanqaabo xaflado iyo ka qeybgal munaasanado.

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa saaxiib dhow la ah guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, taasoo ka dambeysay in jagadan loo ansixiyo, kadib markii uu soo sharxay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo mucaarad ku ahaa Farmaajo wuxuuna ka mid noqday qurbe-joogtii ugu danbeysay ee ku soo biirta dowladda Farmaajo ee ka yimid Mareykanka.

Inkastoo ansixinta Golaha Wasiirada ee hanti dhowraha cusub aysan ka dhigneyn inuu xilkaasi qabanayo ayaa ku soo beegmay xilli baarlamaanka iyo xukuumadda ay isku kacsan yihin, isla markaana wuxuu u baahan yahay inay cod u qaadaan baarlamaanka si loo ansixiyo, tiiyoo aanu ku imaan tartan loo galay xilkan, balse ay wataan saaxiibada madaxweyne Farmaajo.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON