Sunday, July 13, 2025

KASHIFAAD: Maxay Ahlu-suna ugu dagaalameysaa xilka Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug?

Shan xildhibaan oo ka mida Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo madaweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ka hor yimid guddiga intiisa kale oo 8 xubood ah, iyagoo sheegay in la farageliyey oo laga hor istaagay guddoomiye ay wateen, iyadoo ku hanjabay inay doorasho kale qaban doonaan.

Xubnahan ayaa ah xildhibaannada ay soo xushay Ahlu suna ee ka mid noqday Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, kaasoo Baarlamaanka cusub ee Galmudug uu ansixiyey, waxaana Guddiga oo ka kooban 13 xubnood ay 5 ka mida noqdeen xubno kasoo jeeda Ahlu suna.

SIDEE GUDDI DOORASHADA LOO SOO XULAY?

Caadiyan Guddiyada Doorashada waxaa soo jeedinaya oo magacydooda soo qora guddoonka Baarlamaanada, kadibna waxaa ansixiya Baarlamaanka, laakiin Guddiga Doorashada baarlamaanka Galmudug waxa ku lug yeeshay dhinacyo kale, sida wiilka uu dhalay Hoggaamiyha Ahlu suna Wasiir hore CabdiSamad Macalin Maxamuud iyo xubno kale, iyadoo sidaasi ay ku yimaadeen 5-ta xubnood ee Ahu suna uga mid noqday Guddiga. [Akhriso magacyada Guddiga Doorashada]

Waxaa markii danbe soo baxday ujeedada ay Ahlu suna ka lahayd inay xubno ku yeelato Guddiga Doorashada, iyadoo isla markii guddiga la dhisay dalbaday in la siiyo Gudddoomiyaha Guddiga haddii kale aysan shirarka guddiga xaadiri doonin.

GUDDOOMIYAHA GUDDIGA DOORASHADA GALMUDUG EE AHLU SUNA..!

Guddi uu xilkiisu yahay qabanqaabo Doorasho ma jirto awood gaar oo uu leeyahay, Gudoomiyihiisuna wax weyn kama bedeli karo shaqada Guddiga oo aqlabiyad lagu gaaro, laakiin Galmdug way ka duwan tahay, waxayna Ahlu suna fursad weyn ka aragtay inay xilkan xasaasiga ah hesho, waxayna madaxdeeda ku adkeyteen inaysan ku qancin wax aan ka ahayn guddoomiyaha Guddiga Doorashada.

Guddi ka kooban 13 xubnood suuragal maaha in 5 xubnood ay hesho Guddoomiyaha, haddii cod la qaadanaya waa caddahay inaysan heleynin xilka ay markii hore calmadeen, waana taas sababta ay u diideen inay shirarka Guddiga ka qeyb galaan, maantana ay shir jaraa’id u qabteen iyagoo 5 xubnood ah oo ku doodaya inay wateen guddoomiye laga diiday.

Laba maalmood oo arrintan ay soo jiitameysay waxaa guddoonka Baarlamaanka Galmudug uu go’aansaday inaan loo xayirnaan shurudaha iyo diidmada 5-ta xildhibaan ee Ahlu suna ka socda, waxaana maanta 8-da xubnood ee Guddig intiisa kale ay iska dhex doorteen guddoonkooda.

QORSHAHA AHLU SUNA

Ahlu suna oo 20 xildhibaan ku leh Baarlamaanka Galmudug waxay ku fashilantay inay wax xil ah ka hesho guddoonka Baarlamaanka Galmudug, waxaana looga guuleystay musharixii ay siyaasad ahaanta ku taageertay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka iyo musharixii ay wadatay ee guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, waxaana hadda u soo haray oo kaliya inay saameyn ku yeelato Doorashada Madaxweynaha.

Xilka Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayay u aragtay inuu yahay halka ay ka hoggaamin karto Doorasahda Galmudug, waxayna qaaday dariiq aan weli la adeegsan oo ah inay Guddi KMG ah oo doorasho awood ka dhex raadiso.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha wuxuu soo saari karaa go’aamo haddii uu doono isagoo la tashan xubnaha kale, wuxuuna si toos ah u fulin karaa rabitaanka madaxda Ahlu suna, taasoo khalkhal gelin karta Doorashadii Galmudug, waxaana wax laga xumaado ah in Baarlamaan la dhaariyey ay weli qeyb ka mida u shaqeyneyso kooxdii soo magacawday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON