Khilaafkii ka dhex taagan Madaxda maamul Goboleedyada iyo dowladda federaalka iyo ololaha doorashada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxaa ku hoos jira dagaal siyaasadeed oo dhex maraya madaxweynaha maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madaxda Dowladda Federaalka.
Shariif Xasan oo muddo ku qaangaaray xaaladda siyaasadda Soomaaliya ee kadib dagaaladii sokeeye wuxuu ka dhex muuqday dhammaan dowladihii la dhisay wixii ka damnbeeyay Shirkii Soodare, Kenya ee lagu soo dhisay dowladii uu madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf Ahmed.
Shariifku wuxuu kasoo badbaaday xiisado siyaasadeed oo waaweyn, wuxuuna hormuud ka ahaa ololeyaal siyaasadeed oo galaafay siyaasiyiin waaweyn oo uu ka mid yahay Madaxweyne Farmaajo oo xilkii Ra’iisal wasaaraha ku waayey heshiis uu qeyb ka ahaa Shariif Xasan sanadkii 2011.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaare Cai Kheyre Kheyre iyo agaasime ku xigeen Fahad Yaasiin waxay doorteen inaanu dib u soo laaban Shariif Xasan, taasoo go’aanka ugu weyn uu ka yimid Farmaajo, inkastoo Shariifku uu ahaa siyaasi qunyar socod ah una diyaara inuu la heshiiyo dowladda Federaalka, mar kastana ay ka go’neyd inuusan dagaal la gelin madaxda dowladda Federaalka.
Arrinta ugu weyn ee lagu macneeyay diidmada Madaxweyne Farmaajo ee Shariif Xasan ayaa lagu sheegay ‘aarsi siyaasadeed’ oo jawaab u ah heshiiskii ‘Kampala Deal’ kaasoo meesha looga saaray Farmaajo, laguna qasbay inuu is casilo; iyadoo arrinta labaad ay tahay in Shariif Xasan aanu la socon karin kooxda Nabad iyo Nolol oo ay qasab tahay in meesha laga saaro.
Musharixiinta ay wataan madaxda dowladda Federaalka oo kala ah: C/casiis Lafta-gareen oo xilka madaxweynaha K/Galbeed ay u doonayaan iyo Xuseen Cismaan Uurkuus oo raacdo-reeb u ah waxay taageero aan la qarin ka heystaan madaxda dowladda inkastoo qorshahan yahay mid adag oo aan la saadalin karin.
Labada dhinac waxay ku qasbanaadeen inay ku dagaalamaan doorashada K/Galbeed oo hadda isu bedeshay mid u dhaxeysa kooxda Nabad iyo Nolol iyo dhammaan inta kasoo horjeeda, waxayna doorashadaasi go’aamin doontaa guusha iyo guuldarrada qorsheyaasha madaxda dowaldda Federaalka ee 2020-ka.