Friday, June 27, 2025

KASHIFAAD: Musharax Madaxweyne oo iloobay Far-soomaaliga, Af Qalaadna kula xiriira Soomaalida

Mid ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa barihiisa Bulshada u adeegsada inuu dadka Soomaaliyeed ee uu xilka ka rabo kula hadlo luqad Qalaad.

Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle waxaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay musharixiinta ugu waaweyn ku jirta tartanka xilka madaxweynaha Soomaaliya, sidaaso ay tahayna  bartiisa rasmiga ahee twitter-ka waxay ka caagan tahay Afkiisa hooyo ee Soomaaliga, iyadoo aan lagu arkeyn farriin ku qoran far-soomaali.

Waxaa la yaab lahayd inuu dhowaan soo dhigay baaq ku saabsan colaaadda magaalada Gaalkacyo ka taagan isagoo dhinacyada dagaalamaya ugu yeeray inay jooojiyaan dagaalka, laakin wuxuu adeegsaday Af-Ingiriisi.

Lama oga cidda uu la hadlayo musharaxan inay tahay Soomaali iyo inuu doonayo baaqiisa inay arkaan wakiilada Beesha caalamka oo qura, laakiin waxaa cad inuu Afka Soomaaliga iska dhowro, lase arki doonee wixii ka bedelo arrintan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON