Warar kala duwan ayaa ka soo baxay kaalintii ay dowladda Soomaaliya ku lahayd xil ka qaadistii lagu sameeyay madaxweynihii maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble.
Waxaa farta lagu fiiqay xafiiska Ra’iisal wasaaraha uu gacan weyn ku lahaa ololihii keenay in xilka laga qaado Cali C/llaahi Cosoble, waxaana marar badan lagu eedeeyay Ra’iisal wasaaraha iyo xafiiskiisa inay gacan ku lahaayeen wixii ka dhacay magaalada Jowhar.
Cali C/llaahi Cosoble ayaa dhinaciisa marar badan ku eedeeyay Ra’iisal wasaaraha inuu doonayo duminta maamulka Hirshabeelle, isagoo sheegay inuu mas’uul ka ahaa afgembigii ka dhacay magaalada Jowhar.
Haddaba baaritaan Goobjooge ku sameysaya arrintan ayaa lagu ogaaday in Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ay iska kaashadeen in dhaqaalaha laga joojiyo maamulkii uu madaxweynaha ka ahaa Cali C/llaahi Cosoble.
Dhaqaale ay bil waliba dowladda Soomaaliya siiso maamul Goboleedyada ayaa laga joojiyay madaxweynaha Hirshabeelle, taasoo ka dambeysay markii madaxda maamulkaasi iyo qaar ka mida xubno ka tirsan labada aqal ee kasoo jeeda Hirshabeelle ay soo jeediyeen.
Cali C/llaahi Cosoble ayaa markaas lagu eedeeyay in dhaqaalaha dowladda dhexe ee loogu talogalay horumarinta maamulka Hirshabeelle uu keligiis isticmaalo, isagoo Guri weyn ka degan degmada Wardhiigley, isla markaana kaliya xubno yar oo ka mida madaxda Hiiraan kharash kooban siiyo, halka lacagta inteeda badan uu si xun ugu takri falo.
Arrintan oo bilaabbatay ka hor inta aanu soo shaac bixin mooshinka ka dhanka ah Cali Cosoble ayaa socotay dhowr bilood, taasoo keentay inay dhaqaalo darro soo wajahdo Mudane Cosoble.