Tuesday, July 15, 2025

KASHIFAAD: Sababtii keentay inuu Madaxweyne Xaaf degdeg u yimaado Muqdisho oo la ogaaday

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa si degdeg ah u tegay magaalada Muqdisho kadib doorashadiisii, iyadoo aan xilka loo caleemo saarin.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalka uu Madaxweyne Xaaf ku tegay Muqdisho ayay ogaatay Goobjooge.com inay ahayd arrin ku saabsan shirka London iyo cidda uga qeyb galeysa maamulka  Galmudug.

Madaxda iyo dadka ka qeyb galaya shirka London ee arrimaha Soomaaliya ayaa hore loo diyaariyay dal-ku-galkooda[visa], waxaana maamulka Galmudug ku qornaa madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi, taasoo keentay in dalbado inuu shirkaasi isagu ka qeyb galayo.

Safiirka Ingiriiska oo shalay qaabilay madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa lagu xaliyay arrintaasi iyadoo wafdiga Galmudug uu hoggaamin doono madaxweynaha cusub Axmed Ducaale Xaaf.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON