Boqortooyada Sacuudiga ayaa maalaayiin Doolar siisay dowladda Soomaaliya, taasoo loogu talogalay taageerada miisaaniyadda xukuumadda ee sanadkan 2017.
Goobjooge.com ayaa ogaatay in deeqdan lacageed oo gaareysa 50 Milyan oo Doolar ay ka danbeysay codsi madaxweynaha Soomaaliya uu hordhigay madaxda Sacuudiga oo ku saabsanaa in Sacuudigu kabo miisaaniyadda Soomaaliya safarkiisii ugu horeeyay ee Febraayo 2017.
Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa amray in lacag dhan 50 milyan oo Doolar loo diro dowladda Soomaaliya, waxaana lacagtaasi la sheegay inay soo dirtay Sacuudiga balse arrimo ku saabsan Bankiyada ay dib ugu dhacday, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda ay soo gaarto dowladda.
Sacuudiga ayaa dhinaca kale deeq balaayiin doolar ku kaceyso u balanqaaday Soomaaliya iyadoo wasiiro ka socda xukuumadda Soomaaliya ay ku sii jeedaan Sacduudiga si ay u saxiixaan mashaariicdaasi.
Deeqdan ayaa ku soo beegantay iyadoo xiisad diblomaasiyadeed ay ka taagan tahay dalalka Khaliijka, kadib markii dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn xiriirka u jareen Qatar oo dhinac waliba ay ka go’doomiyeen, waxaana la filayaa in Sacuudiga ku qalqaaliyo dowladda Soomaaliya inay xiriirka u jarto dalka Qatar.
Sacuudiga ayaa hore lacag la mid tan uu hadda siiyay Dowladda Soomaaliya ee maamulkii Xasan Sheekh oo isla maalintii ay soo gaartay xiriirka u jartay dalka Iiraan sida ay codsaday Sacuudiga.
DEGDEG: Dowladda Soomaaliya oo xiriirkii diblomaasi u jartay dalka Iiraan
GOOBJOOGE