Thursday, June 26, 2025

KASHIFAAD: Sidee Madasha Qaran xilka ugu kordhisay Madaxweyne Xasan Seekh..?

Mashada Qaran ee madaxda Soomaalida oo bedeshay Baarlamaanka Federaalka, lana wareegtay awoodiisii ayaa muddo kordhin u sameysay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xilkiisu ku eg yahay 10 September 2016.

Madasha oo xilliga Doorashada madaxweynaha u qoondeysay inay dhacdo 30-ka Oktoobar 2016 ayaa halkaasi waxaa ka soo baxay muddo 50 maalmood ah oo Xasan Sheekh Maxamuud xilka sharci darro ku joogayo, laakiin go’aankii soo baxay ayaa si xirfadeysan loogu xaliyay.

Madasha oo war-murtiyeedkeeda ku sheegin xilka Madaxweynaha si gaara, ayaa guud ahaan xilka u kordhisay, iyadoo awooda sharciyeed  ee Madashani uu markii horeba muran ka taagnaa.

HOOS KA AKHRI QODOBKA KOOWAAD EE WAR-MURTIYEEDKIIA MADASHA

  1. Muddada Xil-heynta laamaha Dowladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.

Madasha Hoggaanka Qaran ka dib markii ay aragtay jedwalka hirgelinta doorashada 2016 ee ay soo gudbiyeen Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), isla markaana arkeen Qodobka 91-aad ee Dastuurka Federaalka ee qeexaya in laamaha dowladda Federaalka ee Jamhuuriyaddu ay ku kooban tahay afar (4) sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyey, maankana ku haya in duruufaha jira awgeed ayan suuragal ahayn in doorasho la qabto inta ka harsan muddada xilheynta ee laamaha dawladda ee hadda jira (Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha). Madashu waxa ay tixgeliyeen in ay lagama-maarmaan tahay in muddada gaaban ee kala guurka ah looga gudbo si huwan nabaadiino iyo xasillooni, aysan dhicin firaaq hay’adeed ku yimaada jiritaanka laamaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka. Madashu waxay guddoomisay in laga billaabo taariikhda ay ku dhammaaneyso muddada xil-heynta laamaha dawladda, ay xilka u sii hayn doonaan ilaa iyo inta natiijada cusub ee doorashada ee laamaha dastuuriga ah lagu dhawaaqo, sida ku cad jadwelka ay soo saareen (GFHDD).

Ma jiraan weli cid ka hadashay arrintan waxaana aamusnaan ka soo hartay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo fadhigooda uu xiran yahay iyo madaxda siyaasadda xisbiyada sameystay oo iyaguna uu suuxdin ku riday qodobkii xildhibaanada cusub ku waajibinaya inay xisbi siyaasadeed ka mid noqdaan 2 sano gudahood.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON